Faransiiska oo Qeylo dhaan kasoo saaray farogelin ay sheegeen in Turkiga ku hayo

Turkey ayaa Arbacadii cambaareysay diginin “aan la aqbali karin” oo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku sheegay in Ankara ay faro-gelin ku hayso doorashooyinka madaxweynaha ee xiga ee dalkaas ka dhacaya.

Macron ayaa toddobaadkan u sheegay taleefishin Faransiis ah in Turkey “ay ka faa’iideysanayso ra’yiga dadweynaha” ayna “been” ku faafineyso gudaha Faransiiska, ayada oo adeegsaneysa warbaahin dowladda ay maamusho.

“Waxaa jiri doona isku dayo lagu faro-gelinayo doorashooyinka madaxweynaha ee dhacaya 2022,” ayuu yiri Macron.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in erayada Macron ay yihiin “kuwa aan la aqbali karin oo caksi ku ah saaxiibtinimada iyo isbaheysiga labada dal.”

Hadallada Macron ayaa sii kordhinaya muranka kala dhaxeeya madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo labada hoggaamiye ay isku dhaafsadeen hadallo kulul oo ku aadan khilaafyada gobolka.

Murankooda ayaa sanadkii tegay gaaray meeshii ugu hooseysay markii Erdogan uu u sheegay Macron inuu “maskaxda iska soo tijaabiyo,” kuna booriyey Faransiiska “inay meesha ka tuuraan” madaxweynahooda, kadib markii France ay soo saartay sharciyo wax looga qabanayo “Islaamka xagjirka ah”.

Bilo kahor hadalkaas ayaa Macron wuxuu soo jeediyey in shacabka Turkey “ay u qalmaan wax aan aheyn” siyaasadaha Erdogan.

Source-VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -