Qaybta 4 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

Wadiiqooyinka Loo Xallin Karo Ismaandhaafka :- Inkastoo kala taagnaan ay jirto, lana kala aamin baxay, haddana, qaabab badan oo labada dhinac ay meel dhexe isugu imaan karaan ayaa jira. Sidaas oo ay tahayna, hal-tallaabo oo keliya oo mushkiladda taagan xal u noqon karta ma jirto, oo waa in tallaabooyin kala duwan oo xiriirsan la qaado. Taariikh-duna waxay tilmaameysaa, xasilooni darro siyaasadeed iyo is-qabqabsigu in ay dhalaan cuqdad, taasoo iyana disha kalsoonida dhinacyada.

Asalka khilaafku waa is-qab-qabsi jiitamey oo u dhexeeya dowladda faderaalka iyo goboleedyada, taas oo ku qotonta dastuur ku meel gaar ah oo sida margi qof kastaa meeshuu doono u jiidanayo. Waddamada federaalka ah, in awoodda ay isku qabsadaan unugyada midowgu waa mid badanaa dhacda. Waxaase culayska is-qab-qabsigaasi aad uga muuqdaa dalalka federaalku ku cusub yahay iyo kuwa colaadda ka soo kabanaya sida Soomaaliya oo kale.

Hannaanka Machadka Heritage uu u arko in is-mariwaaga lagu soo afjari karo, waxa uu salka ku hayaa, shan arrimood oo aannu ku qanacsannahay: Kow, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxaa haysta xannibaadyo waaweyn kuwaas oo labadaba ka dhigaya kuwa tabar daran. Midkoodna midka kale kama takhalusi karo. Sidoo kale, midkoodna kan kale ma sumcad dhaamo. Labaduba waa daciif siyaasad ahaan iyo awood ahaanba.

Nasiib wanaag cudud military oo la isku muquuniyo meeshaba ma taal. Kulligoodna waxay kursiga ku heleen doorasho dadban oo ay hareeyeen musuqmaasuq sida hirka u baahsan. Xitaa in la hadal hayo waxay ku mutaysteen ciidanka AMISOM oo ku waar-diyeeya halka magaalo oo uu mid walba ka taliyo, dowladda federaalkuna waa la mid. Puntland uun ayaa dhul ballaaran xukunta, iyada qudheedana Al Shabaab iyo Daacish ayaa si isa soo taraysa ugu maqan.

Labo, is-mari-waaga hadda taagan inta uu dastuurka salka ku hayo in le’eg ayuu yahay khilaaf siyaasadeed. Inkastoo margi-nimada dastuurka uu qofba meeshuu doono u jiidanayo ay tahay caqabad qodax ku noqotay qaran-dhisidda Soomaaliya, haddana fashilka ay madaxdu si wadajir ah ugu fashilmeen inay gaaraan is-afgarad isku-tanasul ku salaysan, waxa ay calaamad u tahay sida madaxdaasi ay ugu fashilmeen inay hoggaamiyayaal noqdaan.

Mohamed Abdi Adan -Xoosh

Haddii laga soo tago dastuurka, waxaa jira habab kale oo oo sahli kara in meel dhexe la isugu yimaado. Tusaale ahaan, Madasha Hoggaanka Qaran, ayay dib u soo noolayn karaan. Iyadoo madashaasi lahayd gol-doloolooyinkeeda (sida in ay baarlamaankii iyo golihii wasiirada badiil u noqotay mararka qaarkood), haddana waxay muujisay in xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh ahayd gole ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa goboladu ku doodaan, kuna xalliyaan khilaafkooda talo midaysanna ku gaaraan, iyaga oo aan ku dhex caraatamin shacabka dhexdiisa, saxaaafadda aan warar isku marin, ajaanibta faragelinta farabaxsiga u ah ee loo yaqaan bulshada caalamkana, aan fursad siin.

Fikrad saxa uma eka doodda dowladda federaalka ee oranaysa Guddiga Amniga Qaranka ayaa badiil u ah Madasha Hoggaanka Qaran. Guddiga Amniga Qaranku waa guddi farsamo oo shaqooyin cayiman leh, meesha Madashu ahayd gole arrimaha siyaasadda iyo wixii ay wada danaynayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu looga xaajoodo. Labaduse waa is buuxin karaan, lana wada samayn karaa. Saddex, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu waxa ay degsan karaan faham-guud oo la isla oggol yahay oo lagu wada shaqeeyo, iyada oo haykal kasta oo dowli ah (dowladda dhexe ama kuwa gobollada) lagu ixtiraamayo masuuliyadihiisa. Weliba, inkastoo dastuurka ku meel gaarka ahi uu si weyn ah u mugdiyeysan yahay, awoodahana isku dhex-gelinayo, haddana, sida dhabta ah, meelo uu aad u cad yahay ayaa jira oo uu si waadax ah u kala saarayo awoodaha dowladda federaalka ah iyo kuwa goboleedyada. La iskuma haysto in difaaca, arrimaha dibadda, lacagaha, xuduudaha iyo socdaalka ay tahay hawl gooni u ah masuulna ay ka tahay dowladda federaalka ah, (inkasta oo haddii wadatashi iyo wadashaqeyn lagala yeesho gobolada lagu fa’iidayo). Sidoo kale, goboleedyadu waxa ay ka hawl geli karaan: booliiska deegaanadooda, adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo fulinta garsoorka deegaannadooda. Waxaana daruuri ah in dowladda dhexe ay faraha ka qaaddo siyaasadda hoose ee gobolada. Madaxweyne ay dowladda dhexe Muqdisho kasoo maqaar-saartay, waa hubaal in aanu deegaanada gobollada kalsooni ku heli doonin. Waana la og yahay in siyaasadda dhabta ah ay ciyaaraan dadka u fara dhuudhubaan ama deegaanka ah.

Sidoo kale labada dhinac – dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu – waxa ay ka wada shaqeyn karaan, ayna tahay in ay ka wada shaqeeyaan, arrimaha qabyada ah, ayna tahay in lagu dhaqaaqo, sida dhammaystirka dastuurka qabyada, wadaagga khayraadka, ku heshiinta hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay, sharciga jinsiyadda, iwm, kuwaas oo lala daahay. Afar, labada dhinac waa in ay kalsoonida dhexdooda ah soo celiyaan, dhisaanna, waana awoodaan. Hadda, cabsi weyn ayaa la kala qabaa, sida ku caddayd war-murtiyeedkii ugu danbeeyey ee Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyadu uu soo saaray, kaas oo ay ku codsadeen in gacan saddexaad ay dhex gasho. Xitaa marka loo eego siyaasadda Soomaaliya oo muddo dheer calawsanayd, u gacan haatinta shisheeye inuu soo dhex galo madaxda Soomaalida waa arrin aad u hooseysa.

La Soco Qaybta 5 aad INSHA ALLAH

Qore:- Mohamed Abdi Adan –Xoosh

Mugadisho-Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -