Somaliland oo garoonkeeda ka celisay Diyaarad ay la socdeen Dhalinyaro laga soo celiyay Liibiya

Maamulka Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa shalay u diiday in ay kasoo degto diyaarad magaalada Muqdisho ka qaaday dhalinyaro kasoo jeeday deegaanada Somaliland oo kamid ahaa dhalinyaradii laga soo celiyay dalka Liibiya.

Diyaarada ay la socdeen dhalinyaro Kontomeeyo ah oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa lagu amray in ay dib u laabato , waxaana duuliyaha diyaarada oo sheegay in uusan heysan shidaal ku filan ku qasbanaaday in uu diyaarada ka dejiyo Garawe.

Ehelada dhalinyardaan laga soo celiyay dalka Liibiya ayaa buux dhaafiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa iyaga oo u hamuun qabay in ay soo dhaweeyaan , hasa ahaatee lama filaan ayey ku noqotay markii loo sheegay in diyaarada dib loo celiyay.

Dhalinyarada lasocday Diyaarada kasoo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe ayaa halkaasi si heer sare ah loogu soo dhaweeyay, waxaana dhalinyaradaasi loo muujiyay jaceyl iyo Soomaalinimo.

Wararkii ugu dambeeyay aan helnay ayaa sheegaya in maanta diyaarad siday dhalinyaradii shalay laga dejiyay magaalada Garawe ka degtay magaalada Hargeysa, waxaana dhalinyaradaasi si heer sare ah usoo dhaweeyay eheladooda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -