Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Burcad dhac ka geysan jirtay xaafado ka tirsan Muqdisho oo caawa la qabtay (Sawirro)

Booliiska Degmada Yaaqshid ee Gobalka Banaadir ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dabley Hubeysneyd oo dadka degan degmadaasi Dhac u geysan jiray iyagoo dadka ka furanaya Taleefoonada gacanta.

Soo qabashada burcadan ayaa ka dambeysay ka dib howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliska degmadaas markii la soo gaarsiiyey xofga burcadaas.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in burcadan oo ku hubeysneyd qoryaha Ak-47 iyo bastoolado lala soo qabtay mobile ay ka dhaceen dad shacab ah, iyagoo intaas ku daray iney soo taagi doonaan dhowaan sharciga.

Maalmihii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay Degmooyinka Gobolka Banaadir dhaca ay geysanayaan kooxo Hubeysan iyadoo xaafadaha qaar Dadku aysan soo bixi karin xiliyada Habeenkii cabsi ay ka qabaan in burcadu dhibaateyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Baaq muhiim ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Muddo kordhinta uu Farmaajo sameystay ma ahan mid sharci ku saleysan”

Caydiid Ali

Dhul-gariir dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay dalka Marocco

Cabdi Cade
Taboola Ads ---