Madaxweyne Deni oo ka dhoofay Garoowe & dalka uu ku sii jeedo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo gebagebeeyey safarkiisii gobolka Mudug ayaa safar shaqo maanta ugu ambabaxay dalka Shiinaha.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa ku dheraaday arrimaha muhiim ka ah ee uu daaran yahay socdaalka isaga iyo weftigiisa ee dalka Shiinaha, waxaana uu xusay in dalkaasi ay u tegidoonaan iskaashi ganacsi.

“Waxaan maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka China aniga iyo wefti Wasiiro ka kooban oo ila-socda, safarkaasi waa safar ka kooban sidii wax wadaqabsi noo dhexmarilahaa gobol kamida gobolada China ee dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kala faa’iidaysiga khibradaha ee dhismayaasha wershedaha iyo xoojinta xidhiidhka ganacsi ee naga dhexeeya.”

“Waxaan rajaynaynaa mudadaas aan joogno inaan aragtiyo fiican kala soonoqondoono, Iyagana aan u sharixidoono fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Puntland ay leedahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in dalalka ka qayb-qaata koboceena dhaqaale inay yimaadaan dalkeena, iyagoo usoo maraaya sharciga iyo nidaamka dowliga ah, Dowladda Puntland waxay balanqaadaysaa dhankeeda inay fududayso waxkasta oo horumarka ka qayb-qaadanaya”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa u beyaamiyey dalalka saaxiib ka dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee dhinacyada ganacsiga inay kasoo qayb galaan shirka maalgashiga Puntland oo dhowaan Puntland lagu qabandoono.

“Waxaanu Sidoo kale jecelnahay inaan ugu yeedhno iyaga iyo wadamadii hore aan u tagnayba shirka maalgashiga ee Puntland ka dhicidoona oo aan rabno khayraadka dihin ee dalkani leeyahay inay maalgashtaan, sida kalluumaysiga, macdanta, beeyada iyo waxyaabaha la xiriira wax soo-saarkeena”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Putland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com.

- Advertisement -