(Sawirro) Sidee C/rashiid Janan loogu soo dhoweeyey degmada Belad-xaawo?

Waxaa maanta Beled Xaawo lagu soo dhaweeyay wasiirkii amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan oo la sheegay inuu heshiis la galay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku qaabilay wasiir dowlaha Wasaaradda gadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala

Waxaana la socday ciidamo fara badan oo isaga ka amar qaata kuwaasoo dhawr jeer oo hore dagaalo la galay ciidamada dowladda.

C/rashiid Janan oo fagaare ku yaalla Belad-xaawo kula hadlayey shacab iskugu soo baxay soo dhoweyntiisa ayaa sheegay in saddex arrimood awgood uu sababay heshiiska uu la gaaray DF.

“Waxaa igu kalifay inaan heshiiska la galo DF waxaa ka mid ah saddex dhibaato oo shacabkeena heysta kuwaasoo kala ah abaaro, cuduro iyo dagaalo” ayuu yiri wasiir Janan oo ka mahd celiyey sida loo soo dhoweeyey.

“Waxaan idin xaqiijinayaa ma arki doontaan, mana maqli doontaan, mana arki doontaan mar kale colaadii ka jirtay gobolkan Gedo” ayuu sidoo kale intaas ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -