Kenya oo amar ku bixisay in 14-maalmood gudahood lagu xiro xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma

Dowlada Kenya ayaa ku amartay hay’ada qaxootiga aduunka ee UNHCR in ay la timaado 14-cisho gudahood qorshihii lagu xiri lahaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma ay ku jiraan qaxooti badan oo Aoomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya CS Fred Matiang’i ayaa faray in hay’adda UNHCR xirto 14-maalmood gudahood xeryaha qaxootiga ee Kaakuma iyo Dhadhaab, waxa uuna carabka ku adkeeyay in aysan jir wadahadalo kale oo go’aan laga yeelanayo.

Amarkan ay soo saartay dowlada Kenya ee lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Kaakuma iyo Dhadhaab ayaan la ogeyn waxa soo dedejiyay, waxa ayna kusoo aadeysaa xili uu meel xun gaaray khilaafka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xeryaha qaxootiga ee Kaakuma iyo Dhadhaab waxaa ku jira kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ah oo halkaasi kunoolaa sanado badan, waxa uuna saameyn doonaa go’aankan hadii uu fulo nolosha kumanaan qaxooti ah oon heesan meel kale ay tagaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -