Beesha Caalamka oo ka digtay Doorasho Hal dhinac ah iyo Mudo kororsi

Qoraal goordhaw kasoo baxay Saaxiibada beesha Caalamka ee Soomaaliya taageera ayaa looga digay in dalka ka dhacdo doorasho hal dhinac ah ama la sameeyo mudo kororsi aan sharci aheyn.

Beesha caalamka qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in hada la joogo xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen hogaamiyaasha Soomaalida si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Df iyo dowlad goboleedyada.

Qoraalka beesha caalamka kasoo baxay ayaana lagu cadeeyay in aysan marnaba taageeri doonin doorasho hal dhinac ah ama isbarbar socda, waxa ay sidoo kale ka digeen in la qaado talaabooyin horseedi kara mudo kororsi.

” Saaxiibbada caalamku waxa ay mar kale ku celinayaan in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha Caalamka.

Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa xiligan wajahaya cadaadis kaga imaanaya beesha caalamka kuwaa oo ku baaqayaa in la heshiiyo si loo guda galo doorashada waqtigeeda dhaaftay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -