Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Muqdisho oo caawa toogtay nin hubeysan oo dili rabay askari

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay caawa Muqdisho ku dileen nin ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo ku hubeysnaa bastoolad.

Taliye ku-xigeenka Booliska Jen. Zakia Xusseen ayaa qoraal ay ku faafisay baraha bulshada ku sheegtay in falkan uu ka dhacay degmada Boondheere, lana dilay ninka hubeysan xili uu isku dayeyey inuu dilo askari Boolis ah oo shaqo ku jiray.

“Ciidanka amniga ee Degmada Boondheere ayaa caawa abbaaro 7:15 fiidnimo waxay iska hor imadeen shaqsi ka tirsan kooxda argagixisada Al Shabaab, kaas oo ku hubeysnaa Bistoolad, una dan lahaa inuu dilo askari howl u taagnaa” ayey tiri Zakia.

Waxay intaas ku dartay in ninka hubeysan intaan la tooganin ka hor ay israsaseyn dhexmartay isaga iyo Booliska.

“Israsaaseyn kaddib waxay ciidamada amniga toogteen dhagar qabahii watay Bistoolada, isla meeshuu ayuuna ku dhintay. Nasiib wanaag ma jiro qof kale oo wax ka soo gaaray howlgalkaas” ayey hadalkeeda ku soo gebagebeysay taliye ku xigeenka Booliska.

  Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-shabaab oo filimkii ugu horeeyey ka sameysay dilalka qorsheysan ee ay fuliso (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo shaacisay in isbadalka cimilada ee dalka ka jira halis ku tahay amniga Qaranka

Cabdi Cade

Isbadal lagu sameenayo Saraakiisha Ciidanka Milatariga iyo Madaxweyne Farmaajo oo amar bixiyay

admin
Taboola Ads ---