Heshiiskii guddiga farsamada Shirkii Baydhabo ee doorashada oo la soo bandhigay

Waxaa caawa la soo bandhigay qodobadii ay soo saareen  Guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ku shiray Baydhabo 15-16 Febraayo ee sanadkan.

Guddigan oo uu magacaabay RW Rooble ayaa uga arrinsaday shirkooda sidii ay xal uga gaari lahaayeen qodobada la isku mari waayey ee fashiliyey shirkii Dhuusamareeb 4, kuwaasoo kala ahaa arrinta gobolka Gedo, Guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay, khilaafka xubnaha gobolada woqooyi ku metelaya DF iyo qodobo kale.

War Murtiyeedkan oo xal looga gaaray qodobadii la isku mari waayey ayuu qorshuhu ahaa iney saxiixaan madaxda DF iyo dowlad goboleedyada si loo bilaabo doorashooyinka ayaa waxaa ku yimid dib u dhac ka dib markii uu sii xoogeystay khilaafka DF iyo labada dowlad goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo qeyb ka ahaa shirkii Baydhabo.

HOOS KA AKHRISO NATIIJADA SHIRKA KA SOO BAXDAY:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -