Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay qirey ciidamada Eritrea ee ka dagaalamay Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horreysay qirey in ciidamo ka socda dalka deriska la ah ee Eritrea ay ka qeyb qaateen colaadda ka taagan gobolka Tigray, iyadoo Hadalkan ayaa yimid ka dib muddo bilo ah oo ay labada dalba beeninayeen.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay in ciidamadu ay soo galeen maadaama ay Eritrea ka walaacsan tahay inay weeraraan xoogaga Tigreega. Wuxuu sheegay in saraakiisha Eriteriya ay u xaqiijiyeen inay baxayaan isla marka ay militariga Itoobiya awood u yeeshaan inay sugaan xadka.

Ciidamada Eriteriya ayaa lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysteen magaalooyin ka tirsan dalka Itoobiya tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada bishii November ee sanadkii hore Kaddib baaqyo isdaba joog ah oo caalami ah oo ku aaddanaa in Ereteriya ay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya,.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale markii ugu horeysay qiray in xadgudubyo ka dhan ah dadka shacabka ay ka dhaceen gobalka Tigree intii uu dagaalka ka socday.

Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa arrintaan ka hor sheegay Baarlamaanka dalkaas maanta oo talaada ah  “Waxaa mas’uuliyadda xadgudyadii dhacay qaadan doona askartii geysatay kufsiga ama boobtay hanti shacab” ayuu yiri Abiy Ahmed

Hadalka Abiy ayaa imaanaya maalmo kadib markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay in si wadajir ah baaritaano loogu sameeyo eedeymaha ah in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -