Daawo Sawirada: Qeybo kamid ah garoonkii Baraawe oo bur buray iyo fashil taagan

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan xariga ka jaray garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Baraawe oo dhismihiisu ku baxday lacag ka badan 4-Milyan oo Dollar.

Garoonka sida loo dhisay iyo lacagta ku baxday ayaana hadal heyn badan ka dhax dhalisay bulshada Soomaaliyeed, waxaana inta badan dadka isku raaceen in la musuq maasuqay lacagtii loogu tala galay dhismaha garoonkaasi oon loo dhisin si tayo iyo qurux leh.

Roob yar oo ka da’ay magaalada Baraawe ayaa durba bur buriyay qeybo kamid ah garoonka diyaaradaha magaalada Baraae, waxaana sawirro laga soo qaaday muujinayeen sida biyaha roobka u bur buriyeen garoonka.

Waxaana jirta cabsi laga qabo hadii roob badan uu da’o sida uu noqon doono garoonkaasi oon markii hore loo dhisin si wanaagsan, waxaana suurto gal ah in uu xirmo hadii uu roob badan ka da’o magaalada Baraawe.

Garoonka magaalada Baraawe ayaa dhismihiisa dad badan soo dhaweeyeen, hasa ahaatee waxaa fashil lagu tilmaamay qaabka loo dhisay garoonka iyo lacagta malaayiinta dollar ee ku baxday.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -