Xildhibaano dhaawac ah & dad kale oo laga soo badbaadiyey hotelka SYL

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia oo mid ka mid ah uu dhaawacmay ayaa goor dhow laga soo badbaadiyey hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo gudaha ay ugu jiraan dabley ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay iney Xildhibaanadan ka soo saareen xagga danbe ee hotelka ee xigta beerta Nabada.

Waxaa ka mid ah xildhibaanada illaa hadda la soo badbaadiyey xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo sida wararku sheegayaan dhaawac qaba, iyo xildhibaanada kala ah Axmed Dhegaweyne iyo Jaamac askar.

Sidoo kale, Masuuliyiin kale iyo dad shacab ah oo weerarku ku qabsaday hotelka SYL ayaa la soo badbaadiyey, waxaana weli hotelka ku go’doonsan masuuliyiin kale, xildhibaano iyo dad shacab ah.

Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee dowlada Somalia ayaa xiray wadooyinka gala hotelka, iyagoo gudihiisa ka wada howgal lagu soo afjarayo kooxaha galay ee ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka ayaa sheegay in dableyda weerarka soo qaaday oo shan nin ka koobnaa la dilay labo ka mid ah halka saddex kale ay weli gudaha hotelka kula dagaalamayaan ciidamada amaanka.

Rasaas goos goos ah iyo qaraxyo loo adeegsanayo bambooyinka gacanta ayaa mararka qaarkood laga maqlayaa gudaha iyo agagaarka hotelka SYL, waxaana dhinaca kale jira warar sheegaya in si weyn loo xoojiyey xarumaha muhiimka ah ee dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -