Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kenya Airways oo la kulantay khasaarihii ugu badnaa abid iyo hal arin oo sabab u ah

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa la kulantay khasaarihii ugu badnaa abid, waxaana shirkada sanadkii tagay ee 2020-ka u aheyd sanad khasaaro badan lasoo darsay saameyn xuna ku yeeshay.

War kasoo baxay maamkulka sare ee shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa lagu sheegay in sanadkii tagay ee 2020-ka ay shirkada khasaartay aduun lacageed oo gaaraya 329,540. 28 oo dollarka Mareykanka.

Khasaaraha ay la kulantay shirkada ugu weyn diyaaradaha ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ay tahay tii ugu weyneed ee abid soo wajaha, waxaana khasaaraha sabab looga dhigay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Guddoomiyaha shirkadda Kenya Airways Michael Joseph, ayaa sheegay in khasaaraha ugu weyn uu yimid markii ay Dowladdu amartay bilihii Abril illaa July ee 2020 in la joojiyo dhamaan adeegyada rakaabka si loo xakameeyo faafidda Cudurka Covid-19.

Dhaqaalaha shirkada Kenya Airways ayaa hoos u dhacay 60%, waxaana maamulka shirkada sheegeen in ay la daalaadhacayaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen khasaarahan xoogan ee lasoo darsay shirkadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Wiil Soomaali ah noqday qofkii ugu da’da yaraa ee ka qaata shahaadada PhD-ga jaamacad ku taala dalka…

Cabdi Cade

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo yeeshay kulan arimo Xasaasi ah uga hadleen (Sawirro)

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay Weerar saaka lagu dilay Masuuliyiin ka tirsan Sh/dhexe

admin
Taboola Ads ---