Mareykanka oo fariin kale u diray Madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada

Safaarada dowlada Mareykanka ku leedahay Soomaaliya ayaa mar kale soo saartay baaq la xariira shirka looga hadlayo arimaha Doorashada oo ku wajahan Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya iyo madax kale ee maamul goboleedyada.

Qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ku leedahay Soomaaliya ayaa loogu baaqay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo in uu xaqiijiyo qabashada shir ay u dhan yihiin madaxda dowlad goboleedyada.

“Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal buuxa oo ku aadan shirka, islamarkaana uu dhammeeyo heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan shuruud la’aan,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay safaaradda Mareykanka.

Qoraalkan kasoo baxay safaarada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili shalay teendhada Afisiyooni uu ka furmay shir ay isugu yimaadeen DF iyo maamulada taabacsan, iyadoona shirkaasi ka maqan yihiin Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Dowlada Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku cadaadineysa madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada in ay isugu yimaadaan shirka looga hadlayo arimaha doorashada ayna gaaraan heshiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -