Baaritaan cusub oo lagu sameeyey talaalka AstraZeneca ee ka hortaga COVID-19

Cilmi baaris maanta soo baxday ayaa muujineysaa in tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Oxford-AstraZeneca uu yahay mid ammaan ah iyo waxtar leh.

Mareykanka ayaa in muddo ah baaritaan ku sameynayay isticmaalka tallaalka, iyadoo In ka badan 32,000 qof oo isa soo bixiyay ay ka qeyb qaateen daraasadda kuwaasoo ku sugan Mareykanka, Chile iyo Peru.

Waxaa la sheegay in tallaalka uu boqolkiiba 79 uu leeyahay awood uu ku hor istaago in caalamadaha cudurka ay soo ifbaxaan halka boqolkiiba boqol uu waxtar u leeyahay ka hortagga cudurka.

Tiro waddamo ah ayaa go’aansaday in ay joojiyaan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca, ka dib markii ay soo bexeen warbixinno sheegaya in dadka qaarkood ay ku dhacday xinjirowga dhiigga ka dib markii la siiyay tallaalka.

Dalalka Yurub ayaa soo gabagabeeyay baaritaan ay ku sameynayeen tallalaka, waxay sheegeen in tallaalka uu yahay mid ammaan ah oo waxtar leh.

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay ugu baaqday dalalka caalamka in aysan joojin isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -