Trump oo boorka iska jafaya & xanibaadii laga saaray Baraha bulshada oo..

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan dib ugu soo laabanaya isticmaalka baraha bulshada, sida uu sheegay la taliyihiisa gaarka ah

“Waxaan filayaa in madaxweyne Trump uu dib ugu soo laaban doono baraha bulshada muddo labo ama saddex bilood gudahood” ayuu yiri Jason Miller oo la hadlayay warbaahinta Fox News.

Wuxuu sheegay in boggagaas ay noqon doonaan kuwo looga hadli doono arrimo muhiim ah oo wax ka baddali doono ciyaarta.

Trump ayaa laga joojiyay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka iyo Facebook kadib rabshadihii 6-dii bishii January ka dhacay xarunta Capitol ee magaalada Washington DC.

Tageerayaasha Trump ayaa dibadbaxyo rabshado watay ka sameeyay halkaas, waxaana ku dhintay shan qof oo uu kamid yahay sarkaal boolis ah, iyadoo Maalmo kadib, shirkadda ay Trump ka joojisay isticmaalka bartaas kadib cabsi laga qabo in qoraalladiisa ay huriyaan qalalaaso iyo rabshado kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -