Ciidamada sugaya amniga Shirka beri oo la go’aamiyey iyo Wararkii ugu dambeeyey

Waxaa goor dhow oo caawa ah ku soo gebageboobay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho shir xasaasi ah oo ay lahaayeen saraakiisha ciidamada amaanka DF iyo kuwa AMISOM.

Shirka ayaa looga hadlay cida sugeysa amniga shirka teendhada Afisiyooni uga furmaya madaxda DF iyo dowlad goboleedyada, kaasoo ay qaban-qaabineyso beesha caalamka inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyey.

Saraakiisha labada dhinac ayaa markii hore isku mari waayey cida sugeysa amaanka goobta shirku ka dhacayo, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in markii dambe la isku raacay in ciidamada AMISOM looga dambeeyo amaanka shirka.

Sidoo kale Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda dhamaan aan loo ogolaan doonin in hubka ay la gudbaan marka laga reebo ilaalada gaarka ah ee dharcadka ah.

Ciidamada hubeysan ee ay wataan madaxda dowlada ayaa waxaa lagu reebi doonaa Mariina Gate oo ah wadada dhanka Iskuul Buluusiyo ka gasha garoonka Aadan cadde iyo Madiina Gate oo ah dhanka danwadaagaha ee xigta Xalane.

Dad badan ayaa isweydiinaya sida madaxda kala shakisan ee DF iyo dowlad goboleedyada qaarkood ee beri shirka loo furayo ay xal uga gaari karaan arrimaha doorashooyinka ee khilaafku ka taagan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -