Siyaasiga Saciid Ciise oo digniin iyo talooyin dhaxalgal ah u diray Farmaajo

Waxaan talo damqasho leh u dirayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo oo aan soo wada aheyn saaxiibo, musharaxiin, iyo degaan wadaag intaba, anigoo  u soo jeedinayo dardaaran Soomaalinimo, aqoonyahanimo, iyo mid wadaniyadnimo.

Waxaan Farmaajow ku leeyahay ka joogso haadaanta aad dalka ku hoobineysid, waxa aad ku socotid waa xumaan iyo liidasho aadan wax wanaaga ka heli doonin, ragga haadaanta kugu hagaya kuuma wadaan meel kheyr badan ee ka joogso foolxumada aad ku sii socotid.

Janaraal Maxamed Siyaad Bare (AUN) oo dardaaran waxgal ah u reebay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka yiri hadal dhaxalgal ah mar su’aal laga weydiiyey isagoo jooga Buurdhuubo, taasoo ahayd haddii ay jirto wax uu shaleyto ka qabo intii uu xukunka Soomaaliya hayey 21 sano, wuxuuna yiri isagoo ay ka muuqato wejigiisa qoomamo qarisay dhoolacadeyntiisa:

“Marka aad qabatid xukun ummadeed waxaa isku kaa gadaamaya ragga ugu xun oo ah shaqsiyaadka ay dadnimadoodu aadka u liidato, kuwaasoo derbi ku noqonaya dadka wanaagsan oo xishoodka iyo damiirta leh iney ku soo gaaraan, ayaan daraduse waxey tahay maalinta aad ragaas u baahatid hiiladooda ayaad ku baraarugeysa iyagoo meel cidlo ah kaaga cararay oo weliba cararkooda kugu sii dara iyagoo agab, anfac, iyo hanti wixii aad haysatey horay u sii qaata iyagoon waxba kuu reebin”

Waxaan ku leeyahay Farmaajow ka joogso quraan dhurwaaga ay dhegaha kaaga akhrinayaan dadkaas uu ka dardaarmay MSB (AUN), walaaheysan kuu wadin meel kheyr qabta oo markii ay ku gaarsiiyaan inaad dadka kala tagtaan ayey iyaguna meel cidlo ah kaaga dhaqaaqayaan, haadaanta ay kula qodayaana adiga ayey ugu dambeysta kugu xabaali doonaan.

Inkastoo wax badan oo xumaan ah aad kula kacday dad aan kaa mudneyn mudadii afarta sano aheyd ee xil hayntaadu ku xadidneyd, haddana sabir iyo dulqaad dheeriya ayaa lagu soo gudbey sanooyinkaas silaca badan oo aad xilka rasmiga ah haysey, hadda waxeysan dantu ogolaaneyn sidaad horay ugu baratay inaysan suurtoobeyn xilhayn saxariirsan oo sii hayn ah iney halkeedi ka sii socoto.

Waxaan Farmaajo ku leeyahay ka joogso wadadaas qaldan oo aad weli ku sii socotid, waxaan shaki lahayn xumaanta aad raadineysid haddaadan ka joogsan in adiga iyo inta marin habaabinta kula wadaagtaba aad haadaanta maleegteen siriqdeeda adinku ku dhici doontaan iyadoo aysan jirin cid idinka garawda xanuunka jaribka aad ku mudan doontaan halaaga aad ku dalbateen maanlaawenimadiina.

W/Q: Saciid Ciise Maxamuud
Hogaamiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyed ahna
Musharax doorashada Madaxweynaha dalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -