Tirada dadka laga helayo COVID-19 ee gobolka Banaadir oo hoos u dhacday

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahisay wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid-19 ee gudaha dalka oo hoos u dhacday meelaha qaar.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalka laga helay 117 kiis oo Coronavirus ah 24kii saacadood ee la soo dhaafay.

Meelaha laga helay ayaa kala ah Somaliland:59, Jubbaland 21, Puntland 14, hirshabbelle 14 iyo 20 kiis oo Muqdisho laga diiwaan geliyey, sida ku xusan qoraalka Wasaarada, iyadoo kiisaska cudurka ee gobolka Banaadir oo todobaadyadii la soo dhaafay sare u kacayey ay haatan hoos u dhaceen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cudurka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay u dhinteen 10 qof oo 6 ka mid ah laga diiwaan geliyey Somaliland

Wadarta guud ee tirada Covid-19 laga helay guud ahaan dalka ayaa gaartay 10,085 waxayna u muuqataa in cudurka uu haatan ku socdo marxalad dalka oo dhan uu hoos uga sii dhacayo inkastoo mararka gobolada laga soo sheegayo tirooyin badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -