Sheekh Xasan Daahir oo Fariin cabsi galin ah usoo diray Madaxweyne Farmaajo

Hogaamiyihii hore ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hada ku jira xabsi guri kuyaala Muqdisho ayaa fariin muuqaal ah uu soo diray kaga hadlay xaalada siyaasadeed dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.

Muuqaalka uu Xasan Daahir soo duubay ayuu Madaxweynaha waqtigiisa dhmaaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu soo gudbiyay fariin cabsi galin u muuqatay uu uga digayay in uu kursiga isku dhejiyo .

Xasan Daahir ayaana ugu digay Madaxweyne Farmaajo in uusan ku ceeboobin kursiga uu isku dhejinayo, waxa uuna u sheegay dadka kasoo horjeeda ee xukunkiisa diidan ay yihiin kuwii dalka ka saaray Maxamed Siyaad Barre oo ka xoog badnaa.

“War ninyahow waxaa kula talinayaa kiiskan haku ceeboobin, labo meel ayaa ka tusayaa, mid waxa weeye dadka hadda kaa soo horjeeda waa dadkii Maxamed Siyaad Barre, markii awoodda heystay oo xukun adag heystay waa nimankii meesha ka saaray, ”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Waxa uu sheegay Xasan Daahir in nimanka hada Farmaajo kasoo horjeeda yihiin kuwa aan sahlaneyn , isagoona ugu baaqay Farmaajo in uusan isku dhejin dowlada afar sano jirta  uuna la yimaado tanaasul.

“Dadkaan dad sahlan maaha, ninka dadka sahlada waaba doqon,  waana la iga sheegay in aad dadka fududeysid, waana ka muuqataa, dadka ninkii fududeysta waa ku ceeboobaa, waxa dhihi lahaa nimankaan niman sahlan maaha waxaa yeesha haku ceeboobin sharciyad waa ka dhamaatay wax kale ku diyaar malahan, haddaad damacdo inaad xoogtid, dadkaan waa dadkaas dhagaha fur Farmaajo”ayuu yiri Xasan Dahir.

Muuqaalkan uu soo duubay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ku jira ayaa u muuqata mid uu ku cabsi galinayo Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo oo wali isku dhejinaya kursiga xili ay dhamaatay afartii sano ee loo doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -