Madaxweyne Lafta Gareen oo si heer sare ah Muqdisho loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Lafta Gareen Waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaana magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shir looga hadlayo arimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan kaa uu iclaamiyay Farmaajo, shirkan ayaana lagu wadaa in beri ka furmo Muqdisho gaar ahaan teendhada Afisiyooni.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa dhamaantooda hada ku sugan magaalada Muqdisho oo la filayo in uu ka dhaco shirka looga hadlayo arimaha doorashada , lamana oga shirka Farmaajo iclaamiyay in beri uu dhici doono iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -