Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ra’isul Wasaare maalmo kahor qaatay Talaal oo laga helay Cudurka Covid-19

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan, ayaa laga helay cudurka Covid-19 ,labo maalin kadib markii uu qaatay talaalka kahor taga cudurkaasi, sida uu xaqiijiyay Wasiirka caafimaadka dalkaasi.

Wasiirka caafimaadka dowlada Pakistan Faysal Sultan, ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in Ra’isul Wasaare Imran Khan laga helay cudurka Covid-19 uuna galay xaalad karanttil ah.

Faysal Sultan, ayaana faah faahin badan ka bixin xaalada Ra’isul Wasaaraha oo maanta laga helay Covid-19, waxa uuna cadeeyay in Imran Khan uu joogo gurigiisa uuna halkaasi isku karaantiilay.

Ra’isul Wasaare Khan oo 68 jir ah, ayaa maalmihii u dambeeyay waday ka qeyb galka shirar joogto ah oo uu ka mid yahay  shir dhanka amniga ah oo lagu qabtay caasimadda Islamabad oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan.

Imran Khan ayaana khamiistii qaatay talaalka loogu tala galay in uu kahor tago cudurka Covid-19, waxaana hada hadal heyn ka dhalatay in talaalkan cusub uu kahor tagi karo cudurkan dunida halakeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Aqalka Sare ee Somalia oo ka hor yimid qorshaha Trump ee Bariga Dhexe (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkadda Favori Oo Eeyo Sharci Darro ah dalka soo gelisay iyo Amniga Garoonka Oo Halis Ku Jira.

admin

Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkeeda ka tarxiilaysa boqolaal Muslimiin ajnabi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---