Shirkadda Favori Oo Eeyo Sharci Darro ah dalka soo gelisay iyo Amniga Garoonka Oo Halis Ku Jira.

Xog ay heshay Shabakadda Allbanaadir ayaa sheegeysa in shirkadda Favori oo gacanta ku heysa maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ay dalka soo gelisay 11 eey oo ay ugu tala gashay in loo adeegsado amniga garoonka maadaama Bancroft ay joojisay eeyihii ay ku taageeri jirtay sugida amniga garoonka.
Ā 
Favori oo eeyaha kasoo iibsatay shirkad laga leeyahay dalka Kenya ayaan soo marsiin waddada sharciga ah oo aheyd inay soo marsiiso wasaaradda amniga qaranka, lagu sameeyo hubin, kadibna lagu daro diiwaanka wasaaradda.
Ā 
Keenista eeyaha Sharci Darrada ah waxaa iska kaashaday masā€™uuliyiinta wasaaradda duulista, maamulka garoonka u xil saaran dowladda iyo shirkadda oo markii hore mawaadin Soomaaliyeed kula heshiisay inuu eeyaha u keeno, hase yeeshee markii warqadii qiimeynta uga keenay shirkad amniga ka shaqeysa oo Kenya saldhigeedu yahay lagu war geliyay inay ka bexeen inkastoo markii dambe ay isla shirkadii si toos ah uga soo iibsadeen.
Ā 
Shirkadda waxay sidoo kale gacanta ku heysaa kaamirooyinka amniga oo ahaa Meesha kaliya ee laga kor joogteyn karo waxa garoonka ka socda, waxayna arintaasi sii kordhineysaa walaaca laga qabo in garoonku uu noqdo halaqya mareen.
Ā 
Dadka faaqida arrimaha amniga waxay sheegayaan in arrintaan ay keeni karto in wax kasta oo shirkaddu dooneyso garoonka laga duulin karo, lagana soo dejin karo maadaama ay iyagu leeyihiin goā€™aanka ugu dambeeya, taasina ay keeneyso in shaki badan laga qaado sugnaanta amniga garoonka.
Ā 
Heshiiska dowladda Soomaaliya iyo shirkaddu ay galeen waxuu dhigayaa in Favori ay maamusho garoonka oo kali ah, wax kasta oo intaas kasoo hara qaladaadkii ka yimaadana looma raacan doono shirkada oo hadii la is qabsado waxay isku difaaci doontaa qodobada ku dhigan heshiiskii lala galay.
Ā 
Shirkadda Favori oo garoonka diyaaradaha xilli dheer gacanta ku heysay ayaa waxaa horay u hareeyay buuq fara badan, waxaana dhowr jeer lasoo wariyay cunsuriyeen shaqaale, ku tumasho xuquuq shaqaale, waxaana dhowr jeer dhacay dibad baxyo ay dhigayaan shaqaalaha Soomaalida ah ee garoonka ka howl gala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -