Golaha Aqalka Sare ee Somalia oo ka hor yimid qorshaha Trump ee Bariga Dhexe (Sawirro)

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulankii 33aad ee Kalfadhiga 6aad.

Waxaa shir Guddominayay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Ajenadayaasha kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed & Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Eng. Cabdullahi Cali Xasan iyo Masuuliyiin la socday ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS si ay wasaaradda uga hor akhriyo warbixinta Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejiyay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan waajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Aqalka Sare ayaa dhinaca kale cod u qaaday Mooshin ka dhanka ah qorshaha qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madaxbanaanida Falastiin, kaas oo uu soo saarey Madaxweyne trump, waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhamaan mudanayaashii fadhiga Maanta soo xaadiray oo gaarayay 30 Senator.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -