Allbanaadir.com
NEWS

Bangi qeybiyay xogta dadka Akoonada ku leh iyo Kooxo burcad ah oo ka faa’iideestay

Mid kamid ah Bangiyada waa weyn ee kuyaala dalka UK ayaa waxaa heesata fadeexad kadib markii xogta shaqsiyaad badan oo kamid ah macaamiisha Bangigaasi si aan ku tala gal ah aheyn ugu direyn dad kale.

Bangiga TSB ayaa waxaa ku yimid cilad xagga tiknoolajiyadda ah oo uu ku shaqeeyo, waxa uuna bangiga Warqado raali galin ah u diray macaamiisha akoonada ku leh bangigaasi si uu uga raali galiyo cilada dhacdaday.

Qoraalada raali galinta ah uu bangiga diray ayaa la sheegay in ay gaareyn dad aan aheyn kuwii akoonada lahaa , waxaana dadkaasi warqadaha gaareen sidoo kale heleen xogta shaqsiyaadka Akoonada bangigaasi ku leh.

Waraaqaha uu Bangiga diray waxaa ku qornaa magaca buuxa ee macaamiisha, ciwaankooda iyo taleefoonkooda, waxaana arintan durba ka faa’iideestay oo lacago ku dhacay kooxo burcad ah oo helay xogahaasi.

Qaarada Yurub waxaa dhawaan laga hirgaliyay Sharci cusub oo mamnuucayaa in xogta shaqsiga lala wadaago qof aan ahayn kii lahaa, waxaana arintan uu sameeyay Bangiga TSB uu yahay dambi weyn.

Mid ka mid ah dadkii waraaqaha qaldan heley ayaa sheegay in ay u suurtoobi kartay in uu woco qofkii lahaa warqada, kadibna isaga dhigo bangiga, kalana hadlo waxyaabo xasaasi ah oo ku saabsan maaliyadooda.

Kooxo tuugo ah oo helay xogta qaar kamid ah dadka akoonada ku lahaa bangigan ayaa xiriiro la sameeyay dad macaamiil ah iyaga oo iskaga dhigaya bangiga, waxaana macaamiisha bangigaasi qaarkood sheegeen in akoonadooda lacago lagala baxay.

Dalalka Yurub ayaa dhawaan la meel mariyay Sharciga (Genera Data Protection Regulation), waxaana ku xusan sharcigan ciqaabo iyo ganaaxyo kale duwan oo ku dhacaya ciddii jabisa, gaar ahaan bangiyada iyo shirkadaha ganacsiga oo inta badan lagu eedeeyo in ay ka ganacsadaan xogta dadka si ay macaash uga sameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo war ka soo saartay qaraxii lagu hoobtay ee galabta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo ka diiday Uhuru Kenyata dalab la xiriira Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---