Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa walaac hor leh looga muujiyay khilaafka sii xoogeestay ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Beesha caalamka ayaa qoraalka kasoo baxay waxay ku sheegeen in ay ka walaacsanyihiin khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

”Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Beesha Caalmka.

Qoraalka kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kala-qaybsanaanta Madaxda sare ee dalka  iyo siyaasadeynta hadda socota ay tahay halis cusub oo wiiqi karta horumarka lagu talaabaaday.

Warkan goordhaw kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa kusoo aadaya xili khilaafka Farmaajo iyo Rooble meeshii ugu xumeyd gaaray uuna ku dhawaaqay Madaxweynaha in awooda ka qaaday Ra’isul Wasaaraha .

Beesha Caalamka ayaana qoraalka kasoo baxay ku cadeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan khilaafkan sii xoogeesanaya hadii ana xal laga gaarin, waxaana beesha Caalamka lagu waramayaa in ay ka fiirsanayaan go’aanka ay ka qaadan doonaan xaalada hada taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/qFHocbHcUik

Related posts

Dowlada Kenya oo Damacsan qorshe cusub ay dooneyso In ay Soomaaliya ku Baaddo !!

Cabdi Cade

Farmaajo oo la kulmay Siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda Habar Gidir iyo Xog ku aadan waxii ay …

Cabdi Cade

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia jooga (ATMIS) far baa ku godan.!!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---