Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax miino ayaa caawa ka dhacay agagaarka aargada isgoysyada Km4 ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay goobtaas oo uu saacado badan yaallay.

Ciidamada amaanka DF ayaa ka xiray halkaas dadka iyo gaadiidka ka dib markii lagu war geliyey inuu halkaas yaallo qarax laga shakisan yahay.

Lamana soo sheegin weli khasaare ka dhashay maadaama markii hore goobtaas laga fogeeyey dadkii ka dhowaa iyo gaadiidka hase ahaatee qaraxa ayaa burburiyey qeyb ka mid ah aargada KM$

Laamaha amaanka DF ayaan weli ka hadlin qaraxan oo aan la ogeyn cida la doonayey in lala beegsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/TF7oLuHAExU

Related posts

Madaxweyne Lafta Gareen oo Shirar shaki abuuray ka bilaabay Muqdisho iyo Rooble oo…

Cabdi Cade

Kulamo Siyaasadeed iyo olole xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Xubno katirsan Qoyska Ismaaciil Haniyah oo lagu dilay weerar Ciidamada Israel geesteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---