Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidamada DF oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka mid ah Gobalka Shabelaha Hoose ku soo qabtay tiro ka mid ah Al-Shabaab, iyagoo gubay xarun ay Al-Shabaab lahayd.

Deegaanada ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa kala ah Aliyow Baarow, Doonka Aw guudle, Busleey, Galooy, Xarbiga, Warta Mursal, Bulo ay Famey  iyo deegaanno kale, waxaana ciidamada ay si rasmi ah ula wareegeen deegaannada ay howlgallada ka fuliyeen.

Taliye Cabdullahi Mustafa Cali Madaale Qaran oo hogaaminayay howlgalka, uuna ku wehlinayo Taliyaha ururka 64aad qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Cali Cabdullaahi (Xalac) ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen lix ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo qaarkood lagu qabtay qoryaha fudud ee sida AK-47.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/TF7oLuHAExU

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay kulan xalay ka dhacay Villa Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Yaa taageero ka filayey Deni oo ka naxay Musharaxnimadiisa, Yaanse kala jecleyn?

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Dowlada oo maanta daah furtay Mashruuca taageerada horumarka iyo dhaqan gelinta ….

admin
Taboola Ads ---