Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo bogaadisay Bandhig cajiib ah ay sameeyeen Qareenada Difaacayay

Waxaa lasoo gaba-gabeeyey wareeggii 1-aad ee dhageesiga dacwada badda ee u dhaxeesay Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona xusid mudan tahay in Kenya aysan qeyb ka aheyn dacwada la dhageesanayay.

Xeer Ilaaliyaha ayaa bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayey dalkeennu ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha.  badda Soomaaliya ee ay muranka galisay.

“Waxaan halkan umadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta.”

Wareegga 2-aad ee dhageesiga dacwada u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya ayaa la filayaa in mar kale ka bilaabato Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, iyadoona Maxkamada marka ay dhageesiga soo gabo gabeeso mudo kadib go’aan ka gaari doonto kiiskan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/FytvD8_Vbs8

Related posts

Maamulka TV-ga Qaranka oo shaaciyay Sababtii toos loogu baahin waayay Hadal-jeedintii Sheekh Shariif

Cabdi Cade

Gudoomiye Cumar Filish oo xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talo galay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir muhiim ah oo ka furmay Nairobi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---