Dowlad ka laabatay go’aan Haweenka looga mamnuucay Xijaabka & Indha-shareerka

Dalka Srilanka ayaa sheegay inaysan qaadan doonin go’aankeedii ugu dambeeyay ee mamnuucaya xijaabka iyo indha-shareerka oo ay xirtaan haweenka Muslimiinta ah maalmo ka dib markii wasiir xukuumadda dalkaasi ka tirsan uu sheegay inuu saxiixay amar mamnuucaya dhaqankan.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay inuu ahaa soo jeedin, dowladduna ay kala hadli doonto arrintan dhinacyada ay khuseyso oo dhan.

Srilanka ayaa xayiraad ku meel gaar ah saartay indha-shareerka ka dib weeraradii ismiidaaminta ahaa ee Easter-ka ee sanadkii 2019-kii ka dhacay dalkaas kuwaasoo lagu eedeeyay Islaamiyiinta maxalliga ah.

Horraantii toddobaadkan, wasiir ayaa ku tilmaamay indha-shareerka mid khatar ku ah amniga qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -