Allbanaadir.com
MUQDISHOMUUQAALONEWS

Muxuu RW Rooble kala hadlay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada Xildhibaanada gobollada woqooyi, maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burkina Faso oo soo saartay sharci ka farxiyey Maxaabiista xiran

Caydiid Ali

Axmed Ismaaciil Samater iyo Cali Khaliif Galaydh oo Ku Kala aragti duwan Somaliland La Wada Leeyahay !!

admin

Laamiga laga dhisayo Dayniile oo laga cabsi qabo in uu lamid noqdo kuwa horey looga …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---