Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo talooyin siiyay guddiga KMG ee ee loo xil saaray xeerka Doorashooyinka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay guddiga kumeel gaar ah ee labada Aqal Baarlamaanka JFS ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada, xisbiyadda JFS, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha dalka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa guddiga labada Aqal ee Baarlamaanka la wadaagay talooyin la xiriira hindise sharciyeedyada xeerka doorashooyinka dalka ee horyaala Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir soo jeedinta talooyinka ku aadan xeerka doorashooyinka, iyagoona balan qaaday in ay tixgalin doonaan.

guddiga kumeel gaar ah ee labada Aqal Baarlamaanka JFS ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo ay ku aruurinayaan tallooyin la xariira hindise sharciyeedka xerka doorashooyinka iyo dhismaha asxaabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madasha Xisbiyada Qaran oo Caawa war kasoo saaray Doorashada dalka iyo shakiga ay qabaan

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo safar deg deg ah uga baxay Muqdisho xili la filayo in shirka…

Cabdi Cade

(Akhriso) Bankiga dhexe ee Somalia oo Ganacsatada ku amray iney qaataan lacagta $50

Caydiid Ali
Taboola Ads ---