Talaalka Cudurka Covid-19 oo goordhaw laga soo gaarsiiyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay talaalka loogu tala galay in looga hortago cudurka safmarka ah ee Covid-19, kaas oo hada kusii faafaya gudaha Soomaaliya.

Diyaarada siday talaalkan goordhaw Muqdisho la keenay waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka caafimaadka Soomaaliya , iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Talaalkan dalka lasoo gaarsiiyay maanta ayaa loogu tala galay in looga hortago cudurka safmarka ee Covid-19, kaas oo kusii faafaya gobolada dalka dad badan maalmihii lasoo dhaafay ku dilay.

Dowlada Soomaaliya ayaana uga mahd celisay talaalkan dalka la keenay Hay’adihii gacanta ka geestay, waxa ayna dowlada sheegtay in talaalkan qaadashiisa la bilaabi doono loona mari doono nidaam loo dejiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -