Dowlada Itoobiya oo xabsi dhigtay Sargaal saameyn badan ku lahaa Siyaasada Somalia

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dalkaasi xabsi dhigeen Colonel Gebregziabher Alemseged oo loo yaqaan (Gabre), waxaana sargaalkan loo heestaa dambiyo kala duwan.

Colonel Gabre oo ahaa sargaal saameyn badan ku dhax lahaa siyaasada Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay ayaa loo xiray dambiyo kala duwan oo la sheegay in uu galay sanadihii lasoo dhaafay.

Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warantay in Gebre loo heesto dambiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha uu ka geestay deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa sidoo kale loo heestaa in uu ku lug lahaa rabshado ka dhacay gudaha Itoobiya.

Gebre ayaa sidoo kale ku eedeesan intii uu Soomaaliya joogay in hub sharci daro ah ka iibiyay dhinacyada isku haya Siyaasada Soomaaliya , waxaa sidoo kale jira dambiyo kale oo lagu soo eedeeyay sargaalkan.

Sargaalkan Itoobiyaanka ayaa saameyn muuqatay lu lahaa siyaasada Soomaaliya sanado badan, waxa uuna mar soo noqday taliyihii ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya soo galay, waxa uu sidoo kale soo noqday  lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD.

Dowlada Itoobiya ayaa hada bilowday howlgalo lagu beegsanayo saraakiil sar sare oo katirsanaa ciidamada dalkaasi, kuwaa oo lagu soo eedeeyay in dambiyo xaquuqda aadanaha ka dhan ah galeen sanadihii lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -