Shiinaha oo ka hadlay Wararka sheegaya in weerar dhinaca Internetka ku qaadeen Kenya

Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa si weyn u baahiyay warar la xiriira weerar dhinaca internetka ah oo Shiinaha ku qaaday qaar kamid ah hay’addaha waa weyn ee dowladda Kenya .

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay in burcad Indho yar ah ay weerareen hay’ado muhiim ah oo ku yaalla magaalada Nairobi oo ay ku jirto madaxtooyada, si ay u qiimeeyaan in dalka uu bixin karo balaayiin doollar oo Shiinaha ku leedahay.

Warkan lagu qoray wakaaladda wararka Reuters iyo warbaahino kale waxaa si adag u beenisay safaaradda dowladda Shiinaha ku leedahay magaalada Nairobi, waxaana qoraal ay soo saartay safaarada ku sheegtay warkaasi mid aan jirin.

Bayaan kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Nairobi ayaa lagu sheegay in waxbo kama jiraan tahay warka la baahiyay, waxa ayna safaaradda tilmaantay in Shiinaha naftigiisa dhibane u yahay weerarada ay geestaan burcada internetka.

“Weerarada dhanka internetka ayaa ah khatar guud oo soo wajahda dhammaan dalalka.Shiinaha sidoo kale waa dhibane weerarada dhanka internetka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay safaarada Shiinaha ee Nairobi.

Dowladda Shiinaha ayaa dalka Kenya ku leh balaayiin dollar, waxaana lacagtaasi shiinaha Kenya ku maal-geliyay dhismaha waddooyin iyo kaabayaal kale oo dhaqaale, waxaana Kenya ku adkaatay in lacagtaasi si fudud ku bixiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -