Malaayiin Dollar uu xaday nin Masuul ahaa oo dib loogu celinayo dal Afrika kuyaala

Dowlada Britain ayaa shaacisay in dib ugu celineyso dalka Nageria lacag malaayiin Dollar oo la sheegay in ay ku jirto akoono bangiyo kuyaala dalkaasi, waxaana lacagtaasi horey u xaday Masuul katirsanaa dowlada Nageria.

Lacagta dowlada Britain dib ugu celineyso dalka Nageria oo gaareysa  5.8 malyan oo doolar ayaa waxaa horey u xaday Barasaabkii hore ee gobolka Delta, James Ibori, waxaana masuulkan sanadkii 2012-kii lagu helay dambi xatooyo iyo isdaba marin lacageed.

Barasaabkii hore ee gobolka Delta ee shidaaka ganiga ku ah James Ibori, ayaa lacagtan xaday xili uu isdaba marin sameeyay, waxaana lacagtan xanibtay dowlada Britain oo hada ogolaatay in dib loogu celiyo Nageria.

Dowladaha Britain iyo Nigeria ayaa maanta kala saxeexday heshiis lacagtaan dib loogu celinayo Nigeria , waxaana lacagtan horey loo xaday la sheegay in lagu fulin doono mashaariic kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -