Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u yimid magaalada Muqdisho ka qeyb galka shir looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya kaa oo u dhaxeeya Dowlada federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Waxaa sidoo kale la filayaa in magaalada Muqdisho isna soo gaaro Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo shirka ka qeyb galaya, waxaana horey Muqdisho ugu sugnaa qaar kale oo kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.

Shirkan looga hadlayo arimnaha doorashada Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay ka dhacaya teendhada Afisiyooni ee ku dhaw xarunta Xalane kadib markii sidaasi codsadeen Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Faadumo Geeddi oo la ganaaxay kadib markii Xildhibaano u qeybisay Nacnac

Cabdi Cade

Xarunta Golaha Shacabka oo Dib loo dhisayo iyo Sheekh Aadan Madoobe oo tagay (Sawiiro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo la wareegtay Deegaan Ciidanka Milatariga Mushaar la’aan uga baxeen

Cabdi Cade