Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia oo loo magacaabay Wasiir Goboleed (Wareegto)

Wareegto kasoo baxay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudaalwe Xuseen ayaa lagu magacaabay sadex Wasiir kamid noqonaya golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Hirshabelle.

Madaxweyne Cali Guudaalwe ayaana xilalka ka qaaday qaar kamid ah Wasiirada maamulkii hore ee Madaxweyne Waare isagoona ku bedelay Wasiiro cusub oo kasii mid noqonaya golaha Wasiirada kahor inta aan si rasmi loo soo dhisin Wasiirada Hirshabelle.

Wasiirada cusub uu magacaabay Cali Guudaalwe waxaa kamid ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabao Maxamed Cumar Ceymoy, oo loo magacaavay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka, waxa uu sidoo kale soo noqday Wasiir heer federaal ah.

Wasiirada cusub uu Magacaabay Madaxweyne Guudlaawe ayaa kala ah 

1. Maxamed Cumar Ceymoy Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka.

2. Xil. Saalax Maxamed Xasan Wasiirka Wasaarada Biyaha iyo Tamarta.

3.Xil. Saadaq Salaad Warsame Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Marwo Samsam Ibraahim Cali oo noqotay..

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa geeriyooday & Qoorqoor oo ka hadlay

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Raisul Wasaare khayre oo ka qeyb galay kulan muhiim ah oo ka dhacay Xerada Afisiyooni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---