Maxkamad go’aan KMG ah ka gaartay kiiskii loo heystay Duqa magaalada Nairobi

Duqa Magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa maanta lagu sii daayay damiin lacageed oo gaaraysa $150,000 oo dollar.

Arintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo aanan weli go’aan laga soo saarin eedeymo loo soo jeediyey oo la xiririira musmaasuq.

Mike Sonko ayaa lagu amray in uusan tagi Karin xafiiskiisa taasoo keentay su’aasha ah, yaa sii maamuli doono magaalada Nairobi.

Maxkamadda horteeda ayuu ka sheegay inuusan gaysanin eedaymaha loo soo jeediyey, oo ay ka mid tahay inuu lunsaday lacago malaayiin dollar gaareysa.

Mike Sonko ayaa lagu soo eedeeyey in lacag gaaraysa $ 3 milyan uu ku qabsaday adeegyo sharci darro ah oo isaga u gaar ah iyadoo akonadiisa bankigana laga helay lacago aad u fara badan oo uu ku keydsaday.

Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -