Wararkii ugu dambeeyey ee Kismaayo & C/rashiid Janan oo Nairobi loo duulinayo

Wasiirkii amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo maanta doon ku tagay magaalada Kismaayo ayaa halkaas si diiran loogu soo dhoweeyey markii uu gaaray.

Rasaas fara badan oo dabaaldeg ahaa isqabsatay magaalada Kismaayo wax yar ka dib markii uu baahay warka sheegaya in C/rashiid Janan uu soo galay magaaladaas, waxaana rasaasta ridayey ciidamo ka tirsan Jubbaland sida dad magaalada ku sugan ay sheegayaan, iyadoo meelaha qaarna ay ka dhaceen dibed baxyo lagu soo dhoweynayo.

C/rashiid Janan ayaa la sheegay in la geeyey Isbitaal ay magaalada Kismaayo ku leeyihiin ciidamada AMISOM, iyadoo wararka qaarkoodna sheegayaan in loo duulinayo magaalada Nairobi si baaritaano caafimaad oo dheeri ah loogu sameeyo.

Masuulkan ayaa maalmo ka hor ka baxsaday xabsi uu muddo shan bilood ah ku jiray oo ku yaalla magaalada Muiqdisho ka dib markii ay xirtay dowlada Somalia oo ku eedeysay inuu galay dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Su’aalo kala duwan oo aan jawaab loo heynin ayaa weli ka taagan qaabka uu C/rashiid janan uga baxsaday xabsiga iyo cida u fududeysay inuu doon ka raaco magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -