Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo loogu talo galay ka hortaga rabshadaha oo Muqdisho lagu soo bandhigay (Sawirro)

Iyadoo baraha bulshada si aad ah looga hadal haayo banaanbax la qorsheynayo inuu berri ka dhaco Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho Ciidamo loo diyaariyay ka hortaga rabshadaha.

Ciidamadan ayaa ka soo laabtay dhowaan dalka Jabuuti oo ay ku soo qaateen tababar socday  muddo lix bilood ah.

Munaasabada lagu soo bandhigayey ciidamadan ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo masuuliyiin kale.

Dowladda federaalka ayaa aad uga walwal qabta banaanbaxa la qabanqaabinayo inuu Muqdisho ka dhaco maalinta beri ah kaasoo ay abaabulkiisa wadaan siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo amar siiyay ciidamada maamulka Jubbaland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi uu horkacayo Dr. Johane Carlson

Caydiid Ali

Ogow tirada Lacagta kasoo xarootay Diiwaangelinta Musharaxiinta Madaxweynaha !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---