Qoraalkii Ugu horeeyay ee lasoo dhigay Twitterka oo Lacag Waali ah lagu iibinayo !!

Qoraalkii ugu horeeyay ee lagu daabacay Shabakada bulshada kuwada xariirto ee Twitter markii la aas aasay ayaa lagu doonayaa in lagu iibiyo lacag malaayiin dollar ah, waxaana qoraalkan iibinaya ninka iska lahaa ee soo dhigay Twitterka.

Jack Dorsey oo kamid ah dadkii wax ka bilaabay shirkadda Twitter ayaa shaaca ka qaaday in lacag gaareysa 2.5 ku iibinayo  qoraalkii ugu horreeyay uu soo dhigay bartaas bishii March ee sanadkii 2006-dii.

Qoraalkan lasoo dhigay Shirkadda Twitterka ee la doonayo in lacagta badan lagu iibiyo ayaa u dhignaa sida tan ””Waxaan ka shaqeynayaa sidii aan u sameysan lahaa bogeyga Twitter-ka”

Qofka iibsada qoraalka waxaa la guddoonsiin doonaa shahaado casri ah oo uu ka saxeexan yahay magaca Dorsey iyo sidoo kale macluumaad ku saabsan qoraalkii ugu horreeyay iyo xilliga rasmiga ah ee lasoo dhigay Twitter-ka.

Jack Dorsey, ayaa sidoo kale sheegay hadii qoraalkan la iibsado xitaa in uu kusii jiri doono barta Twitterka, waxaana arintan hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada gaar ahaan Twitterka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -