Masar iyo Sudan oo ku baaqay in Heshiis laga gaaro Khilaafka Biyo Xireenka Wabiga Niil

Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa mar kale codsaday in dhax dhaxaadin caalami ah loo helo khilaafka ka taagan buuxinta biyo xireenka ay dowlada Itoobiya ku sameeneyso Wabiga Niil oo si weyn ugu tiirsan yihiin Masar iyo Sudan.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al Sisi ayaa markii ugu horeesay tagay magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan tan iyo markii xukunka dalkaasi xoog kula wareegeen Milatariga Sudan.

Kulanka ay yeesheen Madaxda Sudan iyo Masar ayey ku baaqeen in la helo dhexdhexaadin caalami ah si loo soo afjaro muran muddo soo jiitamayay oo ku saabsan dhismaha biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Niil .

Dowladaha Sudan iyo Masar waxay sheegeen inay ahayd in heshiis la gaaro murankan ka hor inta aysan dowlada Itoobiya bilaabin marxaladda xigta ee buuxinta biyo xireenka bisha Julay ee sanadkaan.

Xukuumada Adis Ababa ayaan ka jawaabin baaqan kasoo yeeray dowladaha Masar iyo Sudan ee ku aadan in heshiis deg deg ah laga gaaro khilaafka sadex gesoodka ah ee ka dhashay buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil .

Sudan iyo Masar ayaa cabsi weyn ka qaba in saameyn xoogan ku yeelato biyo xireenka Wabiga Niil ku sameeneyso dowlada Itoobiya, waxaana labadan dal si weyn ugu tiirsan yihiin biyaha Wabiga Niil .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -