Musharaxiinta oo ku baaqay in uu sii socdo Wadahadalada Xukuumada Rooble

Waxaa habeenkii jimcaha soo galeysay fashil kusoo dhamaaday wadahadaladii u dhaxeeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.

Fashilka wadahadalka ku yimid ayaana labada dhinac midbo midka kale ku eedeeyay, waxaana fashilkaasi sababay in uu baaqdo banaan bax Midowga Musharaxiinta qorsheeyeen in maalinta sabtida ahaa ka dhaco Muqdisho.

Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo sidii ay usii socon lahaayeen wadahadaladii u dhaxeeyay Xukuumada Rooble iyo golaha Midowga Musharaxiinta.

Waxa uu sheegay Musharax Daahir Geelle in muhiim tahay in miiska dushiisa lagu wada hadlo, waxa uuna tilmaamay in arrinta Soomaaliya ay tahay mid  miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin.

“Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Baaqan kasoo yeeray Daahir Geelle ee ku aadan in wadahadalada Xukuumada sii socdaan ayaan la ogeyn in ay la qabaan musharaxiinta kale , sidoo kale Xukuumada ayaana dhankeeda ka hadlin rajada laga qabo in wadahadalka sii socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -