Jabuuti oo heshay Talaalka Covid-19 iyo dadka Ugu horeeyo ee la siinayo talaalka oo la shaaciyay

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in maanta oo Sabti ah ay heshay qeybtii ugu horreysay ee tallaalka Covid-19. Lama sheegin cadadka soo gaaray Jabuuti, hase yeeshee, waxaa hay’adaha gargaarku sheegeen in toddobaadkii horena ay Jabuuti heshay cirbadihii loo isticmaali lahaa in tallaalka lagula mudo dadka.

Jabuuti waxaa la sheegay in ay muhiimadda u horreysa siinayso dadka ka weyn 50 sano, kuwa qaba xanuunada halista ah, iyo shaqaalaha caafimaadka.

Jabuuti waa waddankii ugu horreeyey ee dalalka Gobolka la isku yiraahdo Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa (MENA) oo tallaalkan soo gaaro.

Tallaalkan ayaa ka yimid COVAX oo ah mashruuc ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Isbahaysiga Tallaalka GAVI iyo hay’ad kale oo lagu magacaabo Isbahaysiga Diyaargarowga Cudurrrada Faafa.

Ka sokow Jabuuti, waxaa sidoo kale ilaa haatan wadammada Bariga Afrka ee helay tallaalka ka mid ah dalka Kenya oo toddobaadkii hore uu soo gaaray 1 milyan iyo 20 kun oo goojo oo tallaalka ah. Kenya waxay sidoo kale sheegtay in ay mudnaanta siinayso shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa kale ee ka shaqeeya safka hore.

Dalka Ethiopia ayaa sidoo kale mas’uuliyiintu sheegeen in ay filanayaan shixnadda ugu horreysa ee tallaalka maalinta Axadda ee berri ah.

Soomaaliya ayaa bishii hore sheegtay in tallaalku uu soo gaari doono dabayaaqadii bishii tagtay ee Febraayo ama horraanta bisha Maarso. Hase yeeshee, ilaa iyo haatan, tallaalkaasi ma soo gaadhin dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -