Qaraxyo xeelad cusub loo adeegsaday oo ka dhacay degaanka Janaale

Labo qarax oo xooggan ayaa ka dhacay duhurnimadii maanta degaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada DF.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxyadan loo adeegsaday miinooyin hoosta looga soo xiray labo neef oo lo’da la dhaqdo ah taasoo aad uga yaabisay dadka degaanka.

Qaraxyadan ayaa la sheegay in lala damacsanaa goobaha ay joogaan ciidamada dowladda ee degaankaas ku sugan, balse wararku waxay sheegayaan iney ku qarxeen dhul banaan oo aysan cidina joogin.

Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay labada qarax, marka laga reebo labada neef ee lo’da ahaa oo ku bakhtiyey qaraxyada lagu soo xiray.

Al-shabaab ayaa mar kasta adeegsada xeelado cusub oo ay ku weerarayaan ciidamada dowlada ee dagaalka kula jira, waxaana dhacdada maanta aad looga hadal hayaa degaanka Janaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -