Maraykanka oo qaaday talaabo ay si weyn uga caroodeen Midowga Yurub, Canada & Mexico

Midowga yurub, Canada iyo Mexico ayaa sheegay iney ka aarsanayaan Mareykanka canshuurta uu ku soo rogay biraha iyo alumuniumka waddamadaa laga soo geliyo.

Canshuurta uu mareykanka ku soo rogay alaabadaasi waddamadaa ka soo galo waxuu ku dhawaaqay saqdi dhexe ee xalay xilliga Washington.

Wuxuuna soo rogay canshuur dhan 25% biraha laga soo geliyo waddamadaas iyo 10% alumuuniumka laga soo geliyo Midowga yurub, Canada iyo Mexico.

Xogahayaha ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross, wuxuu sheegay iney Midowga Yurub ku guul darreysteen iney ka faa’ideystaan labadi bilood ee canshuur dhaafka la siiyey.

Wadahadallada dib looga eegayo canshuuraadka la xidhiidha Canada, Mexico iyo Waqooyiga Mareykanka wuxuu qaatay “wakhti ka badan intii looga tala galay”, sidaa darteed Washington waxay go’aansatay ayuu yiri iney joojiso canshuur dhaafka ay waddamadaasi u sameyn jirtay.

Ra’isal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa wuxuu canshuurta uu soo rogay Mareykanku uu ku tilmaamay “mid aad u xun” taasoo waxyeelleyneyso xiriirrka dheeraa ee u dhaxeeyey Canada iyo Mareykanka, gaar ahaanna kumannaanka askari ee u dhashay dalka Canada ee ka garab dhintay iyaga ka garab dagaallamaya ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afganistaan.

Wasiirka dhaqaalaha ee Mexico ayaa wuxuu dhankiisa ka sheegay iney qorsheeynayaan waajibaadki canshuurta ee ay marin lahaayeen biraha, lugaha doofaarka, tufaaxa, canabka iyo blueberries (midho canab u eg) iyo chiiska ee ay mareykanka ka soo galo sidi ay yeeli lahayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -