Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo kulan deg deg ah iskugu yimid

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shir deg deg ah oo Golaha Wasiirradu yeesheen, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha iyo biyo yaridu soo food saartay.

Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ah ayaa waxaa warbixino laga dhageystay guddiga Dowladda u xilsaartay wax u qabashada dadka ay abaaruhu ku dhufteen oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Guddiga ayaa Golaha Wasiirada hordhigay xaaladda deg deg ah ee ka jirta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaasoo saacidihii la soo dhaafay ay jirtay dad biyo la’aan u geeriyooday.

Golaha Wasiirada ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqasiyaha badan gurmad beni’aadanimo la gaarsiiyo qoysaska uu saameeyay biyo la’aanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -