Shixnadii ugu horeysay talaalka cudurka COVID-19 oo Muqdisho ku soo fool leh

Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO ayaa Sheegtay in 12 dowladood oo Afrikaan ah la gaarsiiyay 11 Malyan oo talaalka Covid-19 taasoo qeyb ka ah Barnaamijka COVAX ee dalalka faqriga lagu gaarsiinayo talalkan.

Dalalka la gaarsiiyey waxaa ka mid ah Itoobiya, Kenya Rwanda iyo dalal kale, iyadoo dowladda India oo talaalkan soo saartay ay sheegtay in Somalia ay u soo dirtay shixnad talaalka Coronovirus ah oo oo saacadaha soo socda soo gaari doonta Somalia.

Wasiirka arrimaha Dibadda India, Subrahmanyam Jaishankar ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inay talaalka COVID-19 Soomaaliya u soo direen.

Waxaa talaalkan oo lagu magacaabo Covaxin  soo saartay shirkadda Bharat Biotech, wuxuuna wax ku ool yahay 81%.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay dhowaan in malaayiin talaalka COVID-19  ah uu ku soo wajahan yahay Somalia.

Waa shaxnaddii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19 ah ee inta la ogyahay loo soo diro Soomaaliya, tan iyo markii tallaalka lagu guuleystay in la soo saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -